Home - CIYAARAHA CAALAMKA - 3 ka mid ah, Kooxaha Italy oo ku dagaallamaya Wilshere

3 ka mid ah, Kooxaha Italy oo ku dagaallamaya Wilshere

Kooxaha ugu tunka weyn Dalka Italay horyaalkiisa Serie A-da ayaa ku dagaallamaya  diyeeshaha Kooxda  Arsenal Jack Wilshere.

Xiddiggan ayaa ka mid ah kuwo la saadaalinayo in xagaaga dambe ay ka dhaqaaqi karaan Horyaalka Premier League  gaar ahaan Kooxda Arsenal oo hadda ku jirta xaalad aad u adag.

Kooxaha Reer Italy ee xiddigan doonaya waxaa ugu tun weyn kooxda tababare Gattuso ee AC Milan,iyada oo ay kula dagaallamayaan labo koxood oo kale oo isla Serie A-da ka ciyaaraha.

Sida ay qortay Jariiradda Sunday Express, Wilshere waxaa uu todobaadkii ka qaataa Arsenal lacag dhan £120,000, Kooxda Arsenal ayaana u soo bandhigtay heshiis cusub oo todobaadkii ka dhigaya £90,000,taas oo uu xiddigga iska diiday.

Heshiiskiia hadda ee Arsenal ayaa ku eg dhamaadka xilli ciyaareedkan,waxaana ay u badantahay in uu u wareego SerieA-da Dalka Italy.

Leave a Reply

Your email address will not be published.