Home - CIYAARAHA CAALAMKA - AC Milan oo qaadeyna Willian

AC Milan oo qaadeyna Willian

Kooxda AC Milan ee dalka Talyaaniga ayaa soo bandhigtay damaceeda Garabka Chelsea ee Willian,waxaana ay kooxdu sheegtay in ay xagaagan ka shaqeyneyso sidii ay ula wareegi lahayd.

Sida ay qoreyso jariiradda Calciomercarto, 29jirka Reer Brazil ayaa todobaadyadii la soo dhaafay muujiyay tayadiisa kaddib markii uu bandhig wanaagsan ka sameeyay kulamadii ugu dambeeyay.

Milan oo hadda ku jirto xilli lagu tilmaami karo kacdoon cusub ayaa waxaa ay sanadkii la soo dhaafay qaaday 11 ciyaartooy iyada oo bixisay lacag dhan 200 Milyan,haddana waxaa ay horyaalka ugu jirtaa kaalinta 7aad.

Dhamaadkii sanadkii hore ayey ceyrisay tababaraheedii waxaana ay magacawday ciyaaryahan hore oo u ciyaari jiray kooxda kaas oo hadda ah tababare waxbadan ka beddelay kooxda ACMilan.

Dhamaan kulamada Serei A-da Dalka Italy ee ay ciyaartay sanadkan 2018 aanay wax guul darro ah ka soo gaarin,iyada oo kulanii ugu dambeeyay ee Europe league ay guul darro 2-0 ah kala kulantay Kooxda Arsenal ee England.

Leave a Reply

Your email address will not be published.