Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Alan Shearer oo sheegay 1 Sabab oo Chelsea ay ugu Saxantahay Raacdeynta Antonio Conte
Chelsea's Italian head coach Antonio Conte gives a press conference at Chelsea's Cobham training facility in Stoke D'Abernon, southwest of London, on February 9, 2018 ahead of their English Premier League football match against West Bromwich Albion. / AFP PHOTO / Justin TALLIS / RESTRICTED TO EDITORIAL USE. No use with unauthorized audio, video, data, fixture lists, club/league logos or 'live' services. Online in-match use limited to 75 images, no video emulation. No use in betting, games or single club/league/player publications. / (Photo credit should read JUSTIN TALLIS/AFP/Getty Images)

Alan Shearer oo sheegay 1 Sabab oo Chelsea ay ugu Saxantahay Raacdeynta Antonio Conte

Alan Shearer ayaa sheegay in ay jirto Sabab lagu taageeri karo go’aanka Chelsea ay ku raacdeyneyso macallin Antonio Conte.

Macallinka naadiga Blues ayaa indhaha lagu hayaa in uu sanadkan 2018 banneyn doono shaqadiisa, waxaana wararka xanta ah ka mid ah in la eryi doono haddii laga badiyo kulanka West Brom ee caawa.

Waa xasuus ma guurto ah in uu macallinka Talyaaniga ah Chelsea ku hoggaamiyay Hanashada Premier League xagaagii lasoo dhaafay.

Conte wuxuu sheegay in ay u darsan doonto kooxdu haddii uu ka tago, balse Shearer ayaa sheegaya in Chelsea ay u leedahay Taariikh wanaagsan beddelka Macallimiinta oo Guulo ay ku yimaadaan – waxaana suuragal ah ayuu leeyahay in ay dhibaato noqoto balse ma badna.

‘Dhibka Conte waxaa uu yahay in uu Chelsea si wanaagsan ula soo shaqeeyay horraan,’ Shearer ayaa u sheegay The Sun.

‘Markan waxaa muuqata in uusan ku guuleysan xasilloonida qolka Lebiska. ‘Nasiib xumo waxaa la dareemayaa in Blues ay hoos usii socoto xilligaan — balse haddii uu hoggaanka qabto macallin Cusub.

Waa Naadir in ay Chelsea sii ahaato sida ay tahay, waayo Taariikh ahaanba marka ay beddesho macallin iyaduna wey is beddeshaa.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*