Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Angel Di Maria oo markii u horreysay ka hadlay midka Wanaagsan Lionel Messi & Cristiano Ronaldo, yuu doortay?

Angel Di Maria oo markii u horreysay ka hadlay midka Wanaagsan Lionel Messi & Cristiano Ronaldo, yuu doortay?

Angel Di Maria oo ka hadlayay Arrimaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, ayaa markiisii ugu horreysay Taariikhda wuxuu ka hadlay midka wanaagsan labada laacib.

Labada laacib ee Xushmadda mudan kana kala tirsan Barcelona iyo Real Madrid ma aysan Arag muddo 10-sano ah wax ciyaartoy ah oo Tartan kula gala Laacibka ugu wanaagsan dunida.

Tan iyo 2008 wuxuu midkood qaadayay Abaalmarinta Ballon d’Or; wax walba oo Guulo shaqsi iyo mid kooxeed ahna wey sameynayeen, taasoo ka dhigtay in midkoodba uu qaado abaalmarintan 5 mar.

Ronaldo ayaa dhowaanahaan ahaa midka ugu guulaha badan ee isku xig-xigsaday, wuxuuna qaaday 4 mar oo ka mid ah 5-tii sano ee lasoo dhaafay Messi ayaa sidoo kale qaaday sanadihii 2009 ilaa 2012-kii oo joogto uu u qaadayay.

Di Maria ayaa tan iyo 2010 ilaa 2014, la jiray oo ay isku koox ahaayeen Ronaldo waayihiisii Real Madrid. Wuxuu sidoo kale ka dhinac ciyaaraa Messi xulka Qaranka.

Isagoo la hadlayay TyC Sports, Di Maria ayaa yiri: “Messi ayaa had iyo goor ah kan wanaagsan, waa laacibka Sanad walba ugu fiican. Cristiano Ronaldo waa laacib Qaas ah, balse Messi wuxuu ka yimid Duni kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.