Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Arsenal oo aan sanadkan qabaneyn Emirates Cup,ogow sababta?

Arsenal oo aan sanadkan qabaneyn Emirates Cup,ogow sababta?

Kooxda Kubadda Cagta Arsenal ee Dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in Sanadkan aysan qabaneyn tartanka Caanka ah ee Emirates Cup,kaas oo ay qabato sharikadda Fly Emirates ee dalka Imaaraadka Carabta .

Tartankan waxaa uu ka dhacaa Garoonka Arsenal waxaana ka qeybgela kooxo loo xulo sanad kasta oo ka kala  socda inta badan Waddamada Qaaradda Europe.

Kooxda Gunners ayaa sheegtay in Sanadkan uusan jirin tartankaas,waxaana ay ku sababeysay dib u dhis iyo ballaarin lagu sameynayo Garoonkeeda.

Waxaa ay kooxdu shaacisay in qaadka Garoonka la gaarsiinayo 60,600 oo kursi ama taageerayaal,kaas oo ay fariisanayaan taageerayaal la eg kuraasta.

Waxaa socda dhismaha iyo ballaarinta hadda lafteeda iyada oo uu horyaalka socdo ayeyna billowday,waxaana kooxihii ka qeybgeli  jiray Emirates Cup lagu war geliyay in sanadkan la baajiyay.