Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Atletico oo wacdaro ka wadda Garoonkeeda cusub,sidee?

Atletico oo wacdaro ka wadda Garoonkeeda cusub,sidee?

Kooxda Kubadda Cagta Atletico Madrid ayaa sanadkan Garoonkeeda cusub ka wadda wacdaro cajiib ah,waxaana ay sameyneysaa wax ku cusub Laliga Dalka Spain.

Garoonka cusub ee Kooxda Atletico Madrid ee Estadio Wanda Metropolitano,waxaa ay ku ciyaartay 10 kulan,tabankiiba waa ay badisay,waxaa ay dhalisay 23 gool,wax gool ahna lagama dhalin.

Kooxda Atletico Madrid ayaa waxaa ay ka mid tahay kooxaha ugu tunka weyn Laligaha Spain,waxaana ay xilli ciyaareedkan u muuqataa mid aan lagu jebin karin Garoonkeeda.

10 kulan oo ay ku ciyaartay Garoonkeeda cusub ee Estadio Wanda Metropolitano,waxaa iska daa guul darree looga dhalin waayay gool,waxaana ay dhamaan kulamadii ay ku ciyaartay ku dhameysatay guul.

Kulankii ugu dambeyay waxaa ay 3-0 uga badisay Levente,waxaa ay uu kulankaas dhacay xalay oo ugu dambeysay iyada oo 3-da gool ay ka midyihiin 23ka gool ee ay ku dhalisay Gurigeeda.

Atletico waxaa ay hadda horyaalka uga jirtaa kaalinta saddexaad,waxaana ay sanadka dambe u diyaar tahay tartanka Champions League ee Qaaradda Europe.