Home - Author Archives: Ciyaaro Online

Author Archives: Ciyaaro Online

Man United oo Dagaalkii dhaqaalaha ee Suuqa la geli doonta Real Madrid, Halkee Marayaa Loollanka Neymar??

Naadiga Man Utd ayaa Rikoodh cusub oo dhanka Suuqa kala Iibsiga ah Sameyn doonta marka ay soo qaataan laacibka ugu Qaalisan Dunida ee kasoo jeeda dalka Brazil. United ayaa soo gashay loollanka loogu jiro Saxiixa laacibka dalka Brazil kaasoo qiimihiisu uu markii horeba ahaa £200m, sida uu wariyay Wargeyska the Mirror. Naadiga Red Devils waxay rajo wanaagsan ka leedahay sidoo ...

Read More »

Allegri oo Hal Shuruud ku xiray Shaqada kooxda Arsenal

Macallinka naadiga Juve wuxuu aad u xiiseynayaa in uu ka shaqeeyo Premier League waxaana waqtiyadii ugu dambeeyay loo dhoweynayay Arsenal macallinkeeda inuu noqdo. Wargeyska The Sun ayaa sheegaya in Massimiliano Allegri uu qaban doono shaqada kooxda Emirates balse hal shuruud ayaa ku xiran: wuxuu doonayaa in loo damaanad qaado £200milyan taasoo uu suuqa soo socda la gelayo. Macallinka Talyaaniga ah ...

Read More »

RASMI: Tababare Caawiye Rui Faria oo xagaagan ka tegaya Man Utd, koox weyn ayuu macallin u noqon doonaa!!

Faria ayaa lasoo shaqeynayay tababare Jose Mourinho wax ka badan 17 Sano. United macallin Caawiyaheeda ayaa la rumeysanyahay in uu shaqo joogto ah oo Macallinnimo helayo Mourinho ayaana ninkaan Faria ah aad u aaminsanaa ha yeeshee wuxuu qaban doonaa shaqada Arsenal. Faria ayaa leh damac sare oo uu ka leeyahay Shaqo uu isagu leeyahay maamulkeeda, sida lagu sheegay warbixin ay ...

Read More »

Xulka Qaranka kubadda Gacanta Soomaaliya  20-jirada iyo 18-jirada   oo ka qay galaya ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika +Sawirro

Xulka  qaranka kubadda Gacanta Soomaaliya 20-jirada iyo 18-jirada  wayn ayaa  maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aaden Cadde iyagoo kusii jeeda  dalka Uganda oo ay uga qayb gali doonaan ciyaaraha kubadda Gacanta  Wadamada bariga iyo bartmaha Afrika (Africa Zone 5 International Handball Federation (IHF) Challenge Trophy 2018. Xulka  Somalia  qaybta 20-jirada   waxaa ku wehliya   Wadamada  Kenya, Burundi,Uganda, Sudan, Tanzania , Ethiopia ...

Read More »

Laba Garsoore oo Premier League ah oo maanta ka baxaya Garsoorka Horyaalka England

PREMIER LEAGUE Garsooreyaasha ka shaqeynayay waqtiga dheer ee Mike Jones iyo Neil Swarbrick ayaa maanta oo Horyaalka England uu soo dhammaanayo ka fariisanaya Go’aaminta xagga garsoorka. Jones, waa 50-jir, halka Swarbrick, uu yahay 52-sano jir, waxay hadda keddib ku shaqeyn doonaan ugu badnaan Garsooreyaasha Afaraad oo garoonka ma geli doonaan. Labada sarkaalba waxay sii wadi doonaan ka shaqeynta Golaha Xirfadleyaasha ...

Read More »

Sheringham oo kula taliyay Rashford inuu isaga Tago Man Utd haddii uu sii joogo Mourinho

TEDDY SHERINGHAM ayaa soo jeediyay in Marcus Rashford uusan horumar ku gaari doonin la shaqeynta tababare Jose Mourinho haddii uu doonayo horumarna waa in uu dhaqaaqo sida uu sheegayo halyeeygii Man Utd. Manchester United weeraryahankeedu, waa 20-jir, wuxuu Fursadihiisii waayay markii kooxdu ay soo qaadatay Alexis Sanchez BishiiJanuary. Kulamo 18 ah ayuu ciyaaray tan iyo Imaatinkii Sanchez iyadoo FA Cup ...

Read More »

Pochettino oo wadahadal la furay difaaca Qandaraaska diidan ee Alderweireld

MAURICIO POCHETTINO ayaa xaqiijiyay in uu wadahadal la furayo difaaca kooxda Toby Alderweireld. Laacibka dalka Belgium ee difaaca, waa 29-jir, waxaana dhaawacyo ay u diideen Sanadkan inuu Safka soo galo. Keddib markii uu ciyaaray kaliya 13 kulan oo horyaalka ah, Alderweireld waxaa lala xiriirinayay in uu kooxda ka tago, ka gadaal markii Poch uu sheegay in uusan safka hore waqtigaan ...

Read More »

Dani Alves oo seegaya Koobka Adduunka 2018-ka, Sababta Ogow!!

BRAZIL xiddiggeda Dani Alves ayaa la shaaciyay in uu seegayo koobka Adduunka ee ka dhacaya Sanadkan Dalka Ruushka, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Qaranka Koofurta Ameerika ka dhisan. Difaaca midig ee rug caddaaga ah, waa 35-jir, wuxuu ka dhaawacmay Jilibka Midig intii lagu jiray kulankii ay guusha PSG ka gaartay naadiga Les Herbiers ciyaar ka tirsan French Cup. Hadda ...

Read More »

Valverde wuxuu heli doonaa, Weerarka Adduunka ugu xooggan Sanadka Dambe

Barcelona ayaa waxay durbadiiba sii diyaarisay Safkii ugu xoogganaa ee xagaaga dambe, xataa haddii ay kooxaha kasoo horjeeda diyaar garow sameeyaan ama aysan sameyn, waxaa la arkaa in ay heysato Safka ugu weerarka Adag. Kooxda Real ma jiraan weli waxay xaqiijisay oo dhanka Saxiixyada ah, waxaase ka rajeynayaa in Josep Maria Bartomeu uu Safkiisa kusoo dari doono Antoine Griezmann kaasoo ...

Read More »

Luis Suarez waa inuu baxaa haddii uu imaanayo Griezmann!

BARCELONA ayaa iibin doonta Geesigii kooxda Liverpool Luis Suarez – haddii ay doonayaan saxiixa Antoine Griezmann – sida ay warinayaan wararka laga helayo Spain. Keddib markii uu iska diiday kooxda Old Trafford Sanadkii hore, wiilkan oo 27-jir u dhashay dalka France ah ayaa la filayaa in uu ka dhaqaaqayo Atletico Madrid kuna biirayo Nou Camp dhammaadka xagaagan. Kooxda Barca ayaa ...

Read More »

Maxay aheyd Sababta aan xalay Safka loogu soo billaabin Eden Hazard?

Antonio Conte ayaa difaaca go’aankii ay taageerayaasha Chelsea u arkeen Daciifnimada ee uu safka billowga ee kooxdiisa uga saaray Eden Hazard ciyaartii ay xalay kooxda Chelsea 1-1 la dhaafi weysay naadiga Huddersfield. Willian, Pedro iyo Alvaro Morata ayaa lagu soo billaabay safka hore ee Chelsea iyadoo weliba kooxdu ay dagaal ugu jirtay sidii ay usoo gaari laheyd Champions League. Laurent ...

Read More »

Milkiilaha Liverpool oo ka hadlay Damaca Reds ay ku dooneyso Nabil Fekir iyo Ousmane Dembele

Liverpool milkiilaheeda John Henry ayaa wacad ku maray in kooxda maalgelin fiican lagu sameyn doono isagoo ka hadlay doonista kooxdiisa ee Lyon xiddiggeeda Nabil Fekir iyo wiilka Barcelona Ousmane Dembele. Warar ayaa usoo jeedinayay kooxda in ay xiiseyneyso saxiixa xiddigo dhowr ah, Axaddii ayaana la wariyay in kooxda Merseyside ka dhisan ay kula heshiisay £62m laacibka Fekir isla markaana ay ...

Read More »