Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Bale waa Iib, warkaas wuxuu Farxad u yahay, Chelsea, Tottenham iyo Man Utd!

Bale waa Iib, warkaas wuxuu Farxad u yahay, Chelsea, Tottenham iyo Man Utd!

Real Madrid ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso laacibkeeda Gareth Bale waxaana lagu iibin doonaa Qiimo dhexe, sida ay warineyso Warbaahinta Gudaha Spain.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Bale oo aad ula tacaalaya in uu bandhig fiican ka sameeyo kooxda Spain Caasimaddeeda deggan uu hadda fursad siinayo kooxaha ka dhisan Ingiriiska ee doonaya.

Wargeysyada Marca iyo Sport ayaa labaduba daabacay sheekada la xiriirta in laacibkan ka ciyaara Bernabau ay maamulka kooxdu u oggolaan doonaan in uu ka dhaqaaqo naadiga, iyadoo 28-jirkan uu dhaqaaqi karo Suuqa Bartamaha ee Sanadkan.

Bale wuxuu qeyb ka ahaa 3da Champions League xiddigihii u qaaday Madrid tan iyo markii uu ka yimid Tottenham Sanadkii 2013 waxayna kooxdiisii hore hadda ku jirtaa kooxaha doonaya in ay la saxiixdaan.

Kooxaha Man Utd, Tottenham iyo Chelsea ayaa wada doonaya laacibka dalka Wales in ay kusoo celiyaan horyaalka Dalka England.

Leave a Reply

Your email address will not be published.