Home - CIYAARAHA SOMALIDA - Banaadir SC iyo Dekedda oo isku Garab dhacay

Banaadir SC iyo Dekedda oo isku Garab dhacay

Kulankaan oo ahaa kulankii kowaad tobaadkii 14-aad ee horyalaka Somaliya,ayaa waxa uu u dhaxeeyay Dekeddaha iyo Banaadir SC,waxa uuna ku soo dhamaaday bareejo 0-0 ah.

Kulankaan ayaa sidoo kale ahaa kulankii 66-aad ee guud ahaan laga ciyaaro horyaalka Somaliya 2017/2018.

Banaadir SC ayaa kulankaan soo gashay ayadoo uu calaamadda guduudka ah kaga maqanyahay laacibka lagu magacaabo konton,halka Dekedda ay soo gashya kulankaan ayadoo heesatay ama dib u heshay daafaceeda lagu magacaabo Siid Cali Baana oo kulankii ugu danbeeyay ganaax ku maqnaa.

Kulankaan ayaa qyabtii hore ku soo dhamaaday 0-0 oo ay labada dhinac isla dhaafi waayeen.

Si lamid ah markii ay bilaawatay qaybtii labaad ee ciyaarta labada dhinac wax gool ah wa ay iska dhalin waayeen,waxa ayna ciyaarta ugu danbeentii ku soo dhmaatay 0-0 oo ay labada dhinac isla dhaafi waayeen.

Bareejada ay shalay gelinkii dambe gashay Dekedda ayaa ka dhigan in ay hogaanka ku hayso 31 dhibcood halkan Banaadir SC ay lee dahay 28 dhibcood.

Horseed ayaa ku soo laaban doonta booska labaad hadii ay badiso kulanka soo aadan,waxa ayna tagi doontaa 29 dhibcood.