Home - CIYAARAHA SOMALIDA - Banaadir SC oo Lumisay fursad ay ku fariisan laheyd kaalinta 3-aad ee Horyaalka

Banaadir SC oo Lumisay fursad ay ku fariisan laheyd kaalinta 3-aad ee Horyaalka

Kooxda Banaadir SC ayaa lumisay fursad ay kula wareegi laheyd kaalinta 3-aad ee kala Sarreynta horyaalka, markii ay garab dhac la dhaafi weysay naadiga Batroolka.

Ciyaartii horyaalka Somalia Premier league waxay labada kooxood kusoo bandhigeen ciyaar heerkeedu wanaagsanaa.

Qeybta labaad ee kulanka kooxda Mbalangu Hussein ee Banaadir SC waxaa gool u dhaliyay 85 daqiiqo Gebagebadii Ciyaarta Deeq Cabdullahi Nuur (Deeq Aariyo), balse dhamaadkii kulan 90-ka daqiiqo oo ay sii raacday 3dii lagu daray Banaadir SC waxaa goolka kasoo Bareejeeyay laacibka Lambarka 17-aad ee Batrool Liibaan Cabdullahi, wuxuuna kulnka ka dhigay 1-1 oo ay ugu dambeyntiina ciyaartu ku dhammaatay.

Hadda Banaadir waxay leedahay 11 dhibcood, halka Batroolka ay leedahay 7 dhibcood, iyadoo kaalinta 6-aad ka fadhisa kala Sarreynta horyaalka dalka, 1 dhibac ayeyna ka hooseysaa kooxda kaalinta 5aad ee Jeenyo.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.