Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Barcelona oo guul iska daaye ku fashilantay in ay Gool ka dhaliso Getafe

Barcelona oo guul iska daaye ku fashilantay in ay Gool ka dhaliso Getafe

Barcelona ayaa waxay ku fashilantay in ay gool ka dhaliso markeedii ugu horreysay La Liga xagaagan, markii ay Getafe dhibac ay u qalantay ka qaadatay garoonka Nou Camp.

Kooxda Barcelona ayaa weli baaqi kusii ah in aan laga badin, 7 dhibcood ayeyna u jiraan markan kooxda kaalinta 2aad ee Atletico Madrid.

Philippe Coutinho iyo Lionel Messi ayaa labaduba badbaadinno aad ah kala kulmay goolhayaha kooxda Getafe Vicente Guaita, oo suuqa xorta ah uga soo wareegay Crystal Palace suuqii hore ee Bartamaha Sanadkii 2017-ka.

Yerry Mina, ayaa saftay kulankiisii koobaad ee horyaalka Barca, wuxuu ka mid ahaa dadka fursadaha sameeyay.

Getafe, oo hadda kasoo mid noqotay 10-ka kooxood ee ugu sarreeya horyaalka, waxayna ku sigatay in ay goolka guusha dhaliso, markii uu Vitorino Antunes’ 30-yaardi kasoo tuuray Bulisiyoon, kaasoo isla qabsaay gacanta goolhaye Marc-Andre ter Stegen – iyo Birta, taasoo keentay in xataa aysan kooxdiisu qaadan Koornadii ay halkaas ka heleen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.