Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Batshuayi oo jilibka ka dhaawacmay

Batshuayi oo jilibka ka dhaawacmay

Weeraryahanka qaabka Amaahda ah  kula jooga Kooxda Dortmund , Michy Batshuayi  ayaa la sheegayaa in uu dhaawac weyn soo gaaray kaddib markii uu jilibka ka dhaawacmay.

Xiddiggan ayaa kooxdiisu waxaa ay guul darro 2-0 ah kala kulantay Kooxda ay deriska yihiin ee Schalke,iyada oo ay kooxdan 4 dhibcood xilli ciyaareedkan ka qaadatay Dortmund.

Schalke ayaa labada gool ka heshay xiddigaha kala ah Yevhen Konoplyanka iyo Naldo,iyada oo sidaas lix dhibcood uga fogaatay kooxda ay ku dagaallamayeen kaalinta saddexaad ee Bundesliga.

Michy Batshuayi,ayaa ciyaarta Bareello looga saaray waxaana la sheegayaa in uu soo gaaray dhaawac culus oo dhinaca Jilibka ah.

Weeraryahanka Chelsea ee amaahda kula jooga Dortmund waxaa ay isku dhaceen xiddiggii hore ee Qadka dhexe uga ciyaari jiray Kooxda Tottenham, Benjamin Stambouli.

Michy,ayaa si weyn uga dhexmuuqday xilli ciyaareedkan kaddib markii uu amaah ugu biiray isaga oo hadda sii maraya wax ka badan 9 gool kulamo dhowr ah oo uu u saftay Kooxda Reer Germany.

Ninkan ayaa dhibsaday keydka Chelsea waxaana uu ka doortay amaah in uu ku boxo intii uu noqon lahaa keydley ka tirsan Chelsea.