Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Booliska England oo baaray farriin hanjabaad ah oo loo diray xaaska Garsoore Oliver.

Booliska England oo baaray farriin hanjabaad ah oo loo diray xaaska Garsoore Oliver.

Booliska Dalka England ayaa baaris ku billaabay farriin hanjabaad ah oo Taleefankeeda loogu diray xaaska Garsoore Michael Oliver,kaas oo todobaadkii la soo dhaafay qabsaday warbaahinta kaddib markii gool kulaad lagu murmay uu u dhigay Kooxda Real Madrid kulan ay la ciyaareysay Juventus.

Muran badan ayaa ka dhashay goolkaas iyada oo rigoorada la dhigay kulanka oo ay ka dhiman tahay kaliya 30 Il biriqsi,waxaana arrintaas aad uga carooday Ciyaartooyda Juventus.

Xaaska Garsoore Michael Oliver, oo iyaduna ah garsoore ciyaaraha Gabdhaha ah iyo wiilasha ciyaal bacaadka ayaa kulan ay dhex dhexaadineysay marka uu dhamaaday loo diray farriin hanjabaad ah.

Haweeneydan oo lagu magacaabo,Lucy,ayaa barteeda Intagram-ka soo dhigtay farriin Hanjabaad ah oo lala xiriirnayo in aysan waxba dhaamin Garsoore Michael Oliver.

Taageerayaasha dhinaca kubadda Cagta ee Italy oo ka gadoodsan hanjabaadda Xaaska Oliver ayaa waxaa ay Twitter-ka la beegsadeen Hashtag ay ku taageerayaan Garsoore Oliver kaas oo u dhignaa sida #ItaliaLovesMichaelOliver.