Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Boqor daawanaya ciyaarta Finalka Europe League,kuma?

Boqor daawanaya ciyaarta Finalka Europe League,kuma?

Kulanka kama dambeysta ah ee u dhaxeeya Kooxaha Merselle iyo Atletico Madrid ayaa waxaa ka qeybgelaya qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ugu caansan caalamka.

Dadka ka qeybgelaya ee hadda la xaqiijiyay waxaa ka mid ah Boqor Felipe 6aad ee dalka Spain,waxaa uu u safri doonaa Magaalada Lyon oo ay ka dhaceyso ciyaarta kama dambeysta ah.

Boqorkan waxaa uu ka qeybgalay ;adii Final ee ugu dambeeyay ee ay Atletico gaartay,waxaa uu hadda ku wajahanyahay Magaalada Lyon .

Labada Kooxood ee ka kala socda Spain iyo France ayaa waxaa ay kama dambeysta Koobka Europe League ciyaari doonaan  16ka Bishan.

Atletico waxaa ay ka mid noqotay kooxaha ugu wanaagsan kubadda Cagta kaddib la wareegidda Tababare Semione,waxaana uu gaarsiiyay finalka Champions League dhowr jeer sidoo kale Europe League ayuu geeyay,waxaa kale oo u dheer in 18 Snao kaddib uu u qaaday Laliga.