Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Buffon oo ku biiraya horyaalka Argentine

Buffon oo ku biiraya horyaalka Argentine

Kooxda Kubadda Cagta ee Boca Juniors ee dalka Argentine ayaa dalbatay goolhayaha gaamuray ee ee Kooxda Juventus,Gianluigi Buffon.

Wargeyska Calciomercato.com, ayaa sheegaya in Kooxda Boco ay Buffan ka dooneyso hal sano oo heshiis ah iyada oo uu shaki ka taaganyahay in Buffan uu ku baaqi ahaanayo Kooxda Juventus iyo in uu ciyaaraha isaga fariisanayo xilli ciyaareedka.

Labada Kooxood ee Juventus iyo Boco ayaa waxaa ay saddexdii sano ee la soo dhaafay kala qaateen ciyaartooyda kala ah, Carlos Tevez  iyo Rodrigo Bentancur.

Boca ayaa waxaa ay Buffan dalbatay kaddib markii  ay ku hungooyday dalabyo ay ka gudbisay Goolhayayaasha Kooxaha Chelsea iyo Man United  ee kala ah; Weilly Caballero iyo  Sergio Romero.

Boca waxaa ay dooneysaa in Buffan ay la wareegto ka hor inta uusan billaabay bug baxda tartanka Copa Libertadores, 7-da Bisha August ee soo socota.

Bianconeri ayaa beddelka Buffan,ciyaarsiin doonta goolhayaheeda 2aad ee lagu magacaabo Wojciech Szczesny,iyada oo qorsheyneysa in ay ciyaartooy kale la soo wareegto.