Wararkii U Dambeeyay
Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Burnley, oo 50 Sano kaddib u soo baxeysa Europe League

Burnley, oo 50 Sano kaddib u soo baxeysa Europe League

Kooxda Kubadda Cagta ee Burnley ayey u badan tahay in ay 50 Sano kaddib xilli ciyaareedkan ka soo muuqdaan tartanka Europe League.

Kooxda ayaa todobaadkan 2-1 uga badisay Kooxda Leicester City,waxaana ay iska xaadirisay kaalinta 7aad ee kala sarreynta horyaalka Premier League.

Waxaa ay kaliya 2 dhobcood ka hooseysaa kooxda Arsenal oo iyadu guul darro 2-1 ah kala kulantay Kooxda Newcastle shalay ciyaar ka dhacday Garoonka ST James Park.

Burnley hadda waxaa ay leedahay 52 dhibcood,waana markii ugu horreysay oo 51 Sano kaddib ay dhibcahaas gaaraan,iyada oo aad u dabaal degtay guushii Leicester City.

Magaalada Burnley waxaa ku nool 73,000 oo qof oo kaliya waxaana Nus Qarni kaddib ay isu diyaarinayaan tartanka Europe League iyaga oo rumeysan in Arsenal ay Europe League qaadi karto ama ay iyaga ka sara mari karaan oo ka ciriirsan karaan kaalinta 6aad.

Kooxdan waxaa ay heerka 2aad u laabatay dhowr  jeer hayeeshee tababare Sean Dyche, uu yahay macallin ku fara adeegay in kooxdu ay heerkan soo gaarto.

11 kulan iyada oo guul la’aan ah ayey hurdada ka toostay Burnleyn waxaana ay hadda mareysaa 5 kulan oo xiriir ah oo ay guuleysaneyso waana markoodii ugu horreysay ee ay sidan sameeyaan tan iyo Sanadkii 1965/66,sanadkaas waxaa ay ku dhameysteen kaalinta 3aad.