Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Cesc Fabregas : “waxan ka shaqeynayaa in  uusan Messi raaxeysan”

Cesc Fabregas : “waxan ka shaqeynayaa in  uusan Messi raaxeysan”

Xiddigga Qadka dhexe ee Kooxda Chelsea Cesc Fabregas ayaa sheegay in uu habeen dambe ka shaqeynayo  in uusan raaxeysan weerarka Barcelona ee Lionel Messi.

Kooxaha Chelsea iyo Barcelona ayaa habeen dambe lugta 2aad ee wareegga 16ka ku ciyaari doona Garoonka Come Nou ee Magaalada Barcelona.

Fabregas ayaa waxaa uu sheegayaa in habeen dambe marka ay kulmaan labada kooxood uu ka shaqeyn doono in Messi uusan ku baashaalin kooxda Chelsea islamarkaana uu ku adkeyn dooni Messi.

Messi ayaa la filayaa in uu ku soo laabto safka Barcelona maaddaama uu seegay kulankii Malaga ee ay Barcelona 2-0 ku badisay waxaana uu ku maqnaa dhalashada wiilkiisa saddexaad ee Ciro.

Cesco ayaa sheegay in haddiiba tababare Conte uu u doorto safka 1aad ee Chelsea ayaa waxaa uu sheegay in ay noqon doonto habeen uusan Messi waxba ka qaadin Chelsea.

Fabregas, ayaa ku soo billowday todobo ka mid ah dhamaan kulamada Champions League ee ay xilli ciyaareedkan ciyaartay Kooxda Chelsea.

Leave a Reply

Your email address will not be published.