Wararkii U Dambeeyay
Home - CIYAARAHA CAALAMKA - City oo loo caleema saaray horyaalka Premier League

City oo loo caleema saaray horyaalka Premier League

Kooxda Kubadda Cagta ee Man City ayaa ku guuleysatay horyaalka Premier League ee dalka Ingiriiska iyada oo ay u harsanyihiin 5 kulan.

Dbaaaldegga City waxaa uu yimid kaddib markii kooxda Manchester United ay guul darro kala kulantay Kooxda West Brom oo Man U gurigeeda ayaaba lagu garaacay 1-0 ayaana loogu awoood sheegtay.

Markii ay dhamaatay Ciyaarta Kooxda Man City,Ciyaartooy iyo taageerayaal ayaa aad ugu dabaaldegay waxaana Magaalada Manchester ka socda dabaal deg weyn oo sameyneyso Man City.

Hadda waxaa Magaalada lagu xardhayaa midabka Buluugga ah ee Man City iyada oo la leeyahay “Manchester waa Buluug”.

Tababaraha Kooxda City Pep Guardiola ayaan shalay daawan ciyaartaas waxaana uu beddelkeeda jiray Ciyaarta Golf-ka oo uu daawanayay.

Man City ayaana sidaas lagu caleemasaaray horyaalka Premier League ee 2017/2018,waxaana Pep uu u yahay Koobkii ugu horreeyay ee Premier League ah oo uu u qaado City.