Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Ciyaartoyda Man United oo fasax la siiyay haddii ay garaacaan Sevilla,xaggee tagayaan?

Ciyaartoyda Man United oo fasax la siiyay haddii ay garaacaan Sevilla,xaggee tagayaan?

Maamulka kooxda Kubadda Cagta ee Manchester United ayaa fasax u oggolaaday ciyaartooyda Kooxdaas ee caawa la ciyaaraya kooxda Sevilla ee Dalka Spain.

Xiddigaha Unitedka ayaa shuruud looga dhigay marka hore in ay ka badiyaan kooxda Sevilla kaddibna ay u soo baxaan sideed dhamaadka tartanka Champions League iyada oo la fasaxayo.

Waxaa loo ballan qaaday in la geynayo Cheltenham oo ah magaalo uu ka dhacayo tartanka fardaha kaas oo socda afar maalmood halkaas oo ay ciyaartooyda United ku daawan doonaan tartankaas.

Kooxaha Sevilla iyo Man United ayaa kulankii hore ku kala tagay bar barro goolal la’aan ah,waxaana caawa fursad wanaagsan heysata koxda Sevilla oo haddii ay gool dhaliso micno gaar ah u sameynayo.

Bar barro kasta oo ka badan 0-0,waxaa ku harta Man United waxaana ku soo baxda kooxda Reer Spain ee Savilla iyada oo Unitedka laga doonayo in ay ku badiyaan natiijo gool dhaaf ah ama aan bar barro ahayn.

Leave a Reply

Your email address will not be published.