Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Ciyaaryahan dhalo wajiga uga dhuftay Garsoore Clattenburg!

Ciyaaryahan dhalo wajiga uga dhuftay Garsoore Clattenburg!

Ciyaarhan ka ciyaara horyaalka Dalka Sucuudiga ayaa shalay wajiga dhalo biyo ku jiraan uga dhuftay Garsooraha caanka ah ee Mark Clattenburg kaas oo dhex dhexaadinayay xiyaar dhex mareysay labo kooxood oo ka tirsan Horyaalka Sucuudiga.

Mark Clattenburg, ayaa jaalle siiyay Ciyaaryahan Hussein Sayed oo u dhashay Dalka Masar,waxaana uu ka carooday dhaawaca mid  ka mid ah ciyaartooyda kooxdiisa.

Mark,waxaa uu dhex dhexaadinayay ciyaar u dhaxeysay kooxaha kala ah Al-Ettifaq iyo  Al Feiha,waxaana garsooraha uu raalli gelin ka helay Ciyaaryahan Sayed oo markii dambe xabadka geliyay.

Garsoore Mark ayaa shalay u muuqday nin deggan kaddib markii ciyaaryahanka dhalada ku dhuftay uu kaliya ugu simay jaalle islamarkaana markii dambe hab siiyay maaddaama ay labada dhoolla caddeeynayeen iyada oo ay sheekada u ekaatay mid maad ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.