Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Conte oo la xiriiray Luis Enrique iyo Carlo Ancelotti.

Conte oo la xiriiray Luis Enrique iyo Carlo Ancelotti.

Tababaraha ku fadhiya kursiga aan sugneyn ee Kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday in uu la xiriiray tababarayaasha kala ah Carlo Ancelotti  iyo Luis Enrique.

Arrintan waxaa ay timid kaddib markii ay soo baxday in labada macallin midkood uu beddelayo booska Conte ee Chelsea.

Conte ayaa sheegay in labada macallin uu saaxiib la yahay qaarkoodna iska hor imaadeen iyaga oo tababarayaal ah gaar ahaan Enfrique oo hoggaaminayay Roma iyo Conte oo Juventus watay.

Conte ayaa sheegay in uusan wal wal badan ka qabin in shaqada laga ceyriyo labada Tababare midkoona loo dhiibo booskiisa.

Tababarahan ayaa waxaa ayaantan heysta wal wal shaqadiisa ah kaddib markii Kooxdu ay hoos u dhacday iyada oo hadda fadhida kaalinta 5aad,waxaana tababaraha uu qabaa rajo ah in uu sii joogo.

Chelsea ayaa caawa wajaheysa Kooxda ugu hooseysa Horyaalka England ee WBA,waxaana kulankan labada kooxoodba muhiim u ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*