Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Coutinho oo mardhow ku ciyaaraya Anfield,sidee?

Coutinho oo mardhow ku ciyaaraya Anfield,sidee?

Weerarka Xulka Brazil iyo Kooxda Barcelona ayaa shan bilood kaddib ku ciyaari doona Garooonkii uu bishii la soo dhaafay ka tagay ee Anfield,iyada oo taageerayaasha Liverpool ay xiddiggan uga xun yihiin go’aankiisii gaarka ahaa .

Xiriirka Kubadda Cagta Dalka Brazil ayaa kooxda Liverpool kala heshiiyay in Garoonka  Anfield ay kulan tijaabo ah kula yeeshaan xulka Croation,kaas oo ay aqbashay Kooxda Liverpool.

Coutinho ayaana lagu arki doonaa mar kale Garoonka  Anfield ee Magaalada Liverpool,isaga oo xiran maaliyadda Qarankiisa Brazil.

Barcelona ayaa xagaagan Liverpool kala wareegtay Coutinho iyada oo miiska saartay lacag dhan £142Milyan oo lacagta Ingiriiska ah,waxaana Countinho uu safka hore ka tiigsaday ciyaartooyda ugu qaalisan ee kubadda Cagta Caalamka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*