Home - CIYAARAHA CAALAMKA - CR7, oo codsaday in la siiyo mushaarka Messi oo kale
PARIS, FRANCE - MARCH 06: Cristiano Ronaldo of Real Madrid looks on during the UEFA Champions League Round of 16 Second Leg match between Paris Saint-Germain and Real Madrid at Parc des Princes on March 6, 2018 in Paris, France. (Photo by Manuel Queimadelos Alonso/Getty Images)

CR7, oo codsaday in la siiyo mushaarka Messi oo kale

Xiddigga Kooxda Real Madrid iyo Xulka Portugal  Cristiano Ronaldo , ayaa dalbaday in la siiyo mushaar la mid ah midka uu Barcelona ku qaato ninka ay aadka u xifaaltamaan ee Lionel Messi.

Ronaldo ayaa la kulmay Madaxweynaha Kooxda Kubadda Cagta ee Reak Madrid  Florentino Perez,waxaana uu kala hadlay heshiis cusub oo uu ku sii joogi karo kooxda.

Madaxweyne Florentino Perez ayaa xiddiggan 33 jirka ah u ballan qaaday in la siinayo mushaar ku filan iyo qandaraas cusub isaga oo u sheegay in uusan marna meel uga socon Kooxda Real Madrid.

Real Madrid ayaa waxaa ay xilli xiyaareedkan u dulqaadatay mid aad ugu adag iyada oo aan rajo ka lahayn Laligaha Spain sidoo kalena ka hartay Koobka Boqorka,waxaana ay hadda ku soo hartay tartanka Champions League oo ay wareeggiisa 8 dhamaadka u soo gudubtay kaddib markii ay garaacday Kooxda PSG ee Dalka France.

Ronaldo ayaa waxaa uu sanadkan 2018 dhaliyay 17 gool kaddib 12 kulan oo uu u saftay Kooxda Real Madrid waxaana dib u soo laabanaya dadaalkii xiddiggaas lagu yaqaannay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.