Home - Uncategorized - Crespo: ‘Argentina wey u baahan tahay Icardi’

Crespo: ‘Argentina wey u baahan tahay Icardi’

Hernan Crespo ayaa markiisa xoojiyay in weeraryahanka Inter Milan  ee Mauro Icardi lagu daro xulka kubadda Cagta ee Argentine ku matalaya koobka kubadda Cagta Adduunka ee sanadkan ka dhacaya dalka Ruushka.

Wargeyska La Gazzetta dello Sport oo wareystay ciyaaryahanka hore ayaa sheegay in Icardi uu yahay qof aan ku wanaagsaneyn diillinta Ganaaxa hayeeshee wax kasta sameyn kara marka ay kubadda lugtiisa gasho.

Waxaa uu Tababaraha xulka Argentine ugu baaqay in Icardi uusan ka reebin liiska xulka Argentine ku matalaya Ruushka Sanadkan 2018ka.

Tababaraha Xulka Argentine ayaa ku wareersan xiddigaha uu u qaadan lahaa nambarka sagaalaad oo ay ku dagaallamayaan xiddigaha kala ah Gonzalo Higuain, Sergio Aguero iyo isaga Icardi ah.

Hernan Crespo,ayaa ku dooday in Icardi uu yahay xiddig aan laga tagi karin marka ay sidan oo kale tahay mid u muhiimsan xulka Qaranka ee Argentine.