Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Dani Alves oo seegaya Koobka Adduunka 2018-ka, Sababta Ogow!!

Dani Alves oo seegaya Koobka Adduunka 2018-ka, Sababta Ogow!!

BRAZIL xiddiggeda Dani Alves ayaa la shaaciyay in uu seegayo koobka Adduunka ee ka dhacaya Sanadkan Dalka Ruushka, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Qaranka Koofurta Ameerika ka dhisan.

Difaaca midig ee rug caddaaga ah, waa 35-jir, wuxuu ka dhaawacmay Jilibka Midig intii lagu jiray kulankii ay guusha PSG ka gaartay naadiga Les Herbiers ciyaar ka tirsan French Cup.

Hadda Fox Sports Brasil wuxuu warinayaa in Tite iyo xiddigahiisa ay ahaan doonaan la’aanta laacibka 106-kulan saftay ee Alves.

Fox qeybtiisa Brazil wuxuu sheegayaa in PSG ay sidoo kale waayi doonto laacibkan kulamada soo socdas.

Afhayeen u hadlay Brazil ayaa u sheegay ESPN Brasil: “Keddib dhaawaca Dani Alves’ oo Jilibka midig ka dhaawacmay, waxaan ka xunnahay xaaladdaas dhaawac, French Cup final, ayuu ku dhaawacmay.