Home - CIYAARAHA SOMALIDA - Dekadda oo Goolal badan ku xaaqday Gaadiidka & Feysal Xaashi oo 3-leey kale dhaliyay

Dekadda oo Goolal badan ku xaaqday Gaadiidka & Feysal Xaashi oo 3-leey kale dhaliyay

Kulan ka tirsanaa horyaalka kubadda cagta ee dalka ayaa shalay Gelinkii dambe garoonka Koonis ee Degmada Cabdicasiis ku dhexmaray naadiyada kala ah, Gaadiidka iyo Dekadda.

Dekadda ayaa 6-0 uga badisay Gaadiidka, kulankaas wuxuu gaar u ahaa laacibka lagu magacaabo Feysal Xasan Xaashi, kaasoo mar kale dhaliyay goolal dhan 3, wuxuuna hadda yahay hoggaamiyaha kali ku noqday Gooldhalinta Somalia Premier league.

Guushaas ayaa waxay uga dhigantahay naadiga Dekadda in ay kaligeed ku noqoneyso hoggaanka horyaalka dalka, iyadoo gaartay 27-dhibcood.

Horseed oo kulan u harsanyahay ayaa iska leh 21 dhibcood, halka Banaadir SC ay leedahay 20 isla markaana ay dhankeeda heysato kulan dheeri ah.

Rymond oo dhaliyay 2 gool iyo Goolka kale oo uu sii raacsaday laacibka Cabdimajiid ayaa ahaa Natiijada ku fillaatay naadiga Dekadda.