Home - CIYAARAHA SOMALIDA - Dekadda oo la wareegtay hoggaanka Horyaalka, keddib Guul ay ka gaartay Jeenyo

Dekadda oo la wareegtay hoggaanka Horyaalka, keddib Guul ay ka gaartay Jeenyo

Kooxda Kubadda Cagta ee Dekadda ayaa la wareegtay Hoggaanka horyaalka oo ay markii hore Faraqa goolasha uga heysay naadiga Horseed.

Dekadda ayaa badisay kulan ay Galabnimada Isniinta la qaadatay kooxda Jeenyo, iyadoo dhalisay 2 gool oo aan midkoodna laga soo jarin.

Kulanka ayaa ku dhammaaday 2-0 ay ku badisay Dekadda, labada goolba waxaa dhaliyay laacibka Feysal Xaashi oo horay ugu ciyaari jiray Jeenyo, isla markaana ka mid ah xiddigaha ku baxay Burburkii dhaqaale ee kooxdaas soo gaaray.

Dekadda ayaa hadda leh 10 dhibcood, waxaana kusoo xigta Horseed oo kulan u harsanyahay, iyadoo la ogyahay in Dekadda ay Sanadkan isku deyi doonto in ay difaacato horyaalka kubadda cagta ee Somalia Premier league oo ay Sanadkii hore ku guuleysatay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.