Wararkii U Dambeeyay
Home - CIYAARAHA SOMALIDA - Dekadda oo sii dheereysatay hoggaanka horyaalka Dalka

Dekadda oo sii dheereysatay hoggaanka horyaalka Dalka

Kooxda Dekadda ayaa Guul muhiim ah oo 3-0 ah waxay ka gaartay Naadiga Jeenyo kulankii Shalay Gelinkii dambe ay ku qaateen Garoonka Koonis ee Degmada Cabdicasiis.

CIyaartaas, waxaa si weyn Jaanta isula helayay xiddigaha kooxda Dekadda oo u muuqda kuwo Sanadkii labaad oo isxiga hanan kara horyaalka Dalka.

Jeenyo kulankaasi uma aheyn mid wanaagsan, waxayna dooneysay in ay kasoo Kabato Khasaare kasoo gaaray ciyaar ay la qaateen Naadiga Gaadiidka Usbuucii hore, taasoo 6-3 looga badiyay Jeenyo.

Dekadda ayaa hadda kusii dhowaaneysa in ay horyaalka hanto maaddama kulamada horyaalka ka harsan ay koobanyihiin iyaguna ay natiijo iyo dhibco ahaanba aad u wanaagsanyihiin.