Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Donnarumma oo maanta jebin kara rikoorka qarniga

Donnarumma oo maanta jebin kara rikoorka qarniga

Goolhayaha Kooxda AC Milan Donnarumma,ayaa jebin kara rikoor muddo qarni ku dhow yaallay Serie A-da Talyaaniga,waxaana uu noqon karaa ciyaaryanka ugu da’da yar ee Serie A oo safta 100 kulan oo horyaalka ah.

Xiddiggan ayaa jira 19 sano, hal bil iyo 21 maalmood,waxaana uu noqonayaa xiddigga ugu da’da yar Serie A ee gaara safashada 100 kulan oo horyaalka Talyaaniga ah.

Waxaa ay AC Milan soo dhaweyn doontaa Kooxda Napoli kulan labada kooxoodba muhiimad gaar ah u leh,waxaana ay doonayaan in ay u soo baxaan tartanka Champions League.

Xiddiggan waxaa uu dhaafayaa xiddigo ay ka midyihiin Gianni Rivera, Silvio Piola, Roberto Mancini, Paolo Maldini  iyo  Francesco Totti oo soo noqday kuwa ugu da’da yar ee saftay Serie A.

Donnarumma,waxaa ay laba Sano iga dhimantahay da’dii uu Buffan ku gaaray safashada 100 kulan oo Serie A ah,waxaana uu ku gaaray isaga oo 21 Sano iyo 100 maalmood jir ah sanadkii 1999kii.

Kulankiisii ugu horreeyay waxaa uu AC Milan u saftay  October 25 2015kii,waxaana kooxdii ugu horreysay oo uu ka hortagay ay ahayd Sassuolo.