Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Dowladda China oo ku dheggan Intar Milan

Dowladda China oo ku dheggan Intar Milan

Dowladda China ayaa isha ku heysa in ay hoos u dhigto lacagaha uga baxa dibadda ee lagu bixiyo madadaalada sida Shaleemooyinka,Ciyaaraha sida Kubadda Cagta iyo Kooxaha Kubadda Cagta ee ay leeyihiin Ganacsatada Dalkaasi u dhashay.

Inkasta oo kooxda Intar Milan ay guuleysatay kulankii shalay haddana dowladda China ayaa sheegeysa in lacagaha lagu bixiyo Kooxaha kubadda Cagta hoos loo dhigayo.

Siyaasaddan cusub ee dowladda waxaa ay dhaqan geli doontaa Bisha March ee soo socota,waxaan Sharkadaha waaweyn sida Suning Group oo iska leh Intar ka mamnuuceysaa in lacago badan ay geliyaan suuqa,taas oo aan loo gooleyn.

Kooxda Intar ayaa tababare Luciano Spalletti, u sheegtay in haddii xilli ciyaareedkan uu kooxda ku hoggaamiyo afarta Sare ee ugu horreysa Italy uu helayo maalgelin dheeraad ah oo uu ciyaartooy ku soo iibsado,laakiin haddii ay dhici weyso uu weynayo lacagaha suuqa lagu galo.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*