Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Eden Hazard oo ka caawiyay Conte in uu ka baxo Cadaadiskii, keddib Guushii West Brom

Eden Hazard oo ka caawiyay Conte in uu ka baxo Cadaadiskii, keddib Guushii West Brom

Waxay aheyd maalin kale oo Chelsea ay tijaabineysay in ay Khasaari karto iyo in kale.

Balse Antonio Conte ayey u muuqataa in weli uu Mustaqbal ugu harsanyahay garoonka Stamford Bridge, waxay ciyaar xiiso badan wada qaateen kooxda Alan Pardew oo dooneysa sanadkan in ay sii joogaan horyaalka Premier League.

Haddii West Bromwich Albion ay fursado abuur fiican lasoo geli laheyd qeybta hore ee kulanka, waxaa taasi ay ku noqon laheyd Conte caqabad kale xalay.

Baggies macallinkeeda Pardew, ayey kooxdiisu 7 dhibcood u jirsatay halka looga badbaado dhicitaanka, iyadoo ah kooxda ugu hooseysa.

Eden Hazard oo laba gool u dhaliyay Chelsea iyo Victor Moses ayaa ka fududeeyay culeyska macallin Conte oo kooxdiisu ay 3-0 ku dhaaftay naadiga West Brom.

Leave a Reply

Your email address will not be published.