Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Ederson oo dhigay Guiness World Record

Ederson oo dhigay Guiness World Record

Goolhayaha Kooxda Manchester City Ederson,ayaa dhigay rikoor dhinaca shuut ama darbada ugu dheer ah ee Buugga Guiness World Record.

Ederson,waxaa uu jebiyay rikoor yaallay oo ah darbada ama shuutka ugu dheer ee uu ciyaaryahan tuuro,waxaana rikoorka yaallay uu ahaa 75 Mitir.

Kooxda Man City ayaa wakiillo ka socda Buugga  Guiness World Record,ku casuuntay xerada tababarka,waxaana goolhayaha la siiyay 3 jeer si uu rikoorkaas u gaaro.

Saddex jeer oo uu kubadda laaday laadkii ugu dambeeyay ayuu ku gaaray 75.33 Mitir,waxaana uu sidaas ku noqday Ninka sameeyay rikoorka ugu dheer ee dhinaca shuutka.

Enderson,waxaa uu ka mid noqonayaa 23 jirrada dalka Brazil u matalaya koobka 23 jirrada ee Caalamka kaas oo dhacaya sanadka dambe.