Home - CIYAARAHA SOMALIDA - Elman oo Garab dhac ay u rafaadday ka heshay Madbacadda

Elman oo Garab dhac ay u rafaadday ka heshay Madbacadda

Kooxda Elman ee horyaalka Dalka ayaa waxay ciyaar adag shalay gelenkii dambe garoonka Koonis kula qaadatay naadiga Madbacadda Qaranka, iyadoo Natiijo wanaagsan ka heshay marka loo fiiriyo ciyaarta iyo sida ay ku dhammaatay.

Elman ayaa looga hormaray goolka ciyaarta, waxaana qeybta hore lagu nasiyay 1-0 ay hoggaanka ku heyso kooxda Madbacadda Qaranka.

Dadaal badan oo ay bixiyeen xiddigaha Elman, ayeyse ku suuragashay in ay soo helaan goolka garabdhaca ah, weliba waqti qeybta dambe ee ciyaarta ah.

Macallin Taaree, wuxuu kulankiisii ugu horreeyay ee naadiga Elman, natiijadaas garab dhaca ah ka helay Madbacadda, ha yeeshee isbeddel deg-deg ah ayaa looga fadhiyaa macallinka beddelay Cabdi Joon oo kooxdaas hoggaankeeda Banneeyay Toddobaadkan horraantiisi.