Home - CIYAARAHA SOMALIDA - Elman oo Guuldarradii ugu horreysay ku dhigtay Dekadda & Isbeddelka laga fili karo Horyaalka

Elman oo Guuldarradii ugu horreysay ku dhigtay Dekadda & Isbeddelka laga fili karo Horyaalka

Kooxda Elman ayaa Khasaare xooggan gaarsiisay naadiga Dekadda ee horyaalka Dalka, waxaana kulankii Galabta labada naadi dhexmaray uu ahaa mid natiijo ahaan aysan dekadda dhalin wax gool ah.

Dekadda waxaa lagu garaacay 3-0, waxayna taasi la macno tahay in ay kaliya 5 dhibcood ku hoggaamin doonaan Horyaalka dalka.

Elman waa kooxdii ugu horreysay ee Sanadkan ka adkaata naadiga Dekadda, maaddaama kulamadii ugu dambeeyay ee ay ciyaaraan kooxdan horyaalka Sanadkan aan laga adkaan marka laga reebo kulanka maanta.

Cabdi Joon, macallinkii hore ee Dekadda ayaa tusay kooxdiisii hore in ay lumisay macallin ka mid ah kuwa ugu wanaagsan horyaalka dalka.

Kulamada horyaalka ayaa wareeggan dambe, kooxuhu u ciyaarayaan si deg-deg ah oo looma nasiyo, waana sabab keeni karta Khasaareyaal kale oo Dekadda ay la kulanto.

Elman hadda waxay ku jirtaa soo kabasho xooggan, keddib markii ay kulamadii lasoo dhaafay aheyd mid ciyaaraheeda natiijo wanaagsan ka keeneysay.