Home - CIYAARAHA SOMALIDA - Elman oo Weji Gabax kala kulantay Batroolka, Goolal badanna lagu garaacay

Elman oo Weji Gabax kala kulantay Batroolka, Goolal badanna lagu garaacay

Kooxda Batroolka ayaa waxay maanta Guul weyn ka gaartay Naadiga Elman, ciyaartii xiisaha badneyd, taasoo guusheeda ku mahadineysa xiddigga Ayuub Cabdullaahi Bashiir.

Ciyaarta oo ka dhacday Galabta Garoonka Koonis ayaa Elman lagu garaacay 4-1, waxaana 2 gool kulanka ka dhaliyay laacibka,  Ayuub Cabdullaahi   Bashiir oo Lambarka 7-aad e qaata kooxda Batroolka, halka uu laacibka lambarka 11-aad ee  Maxamuud Cabdi Xasan dhaliyay 1 gool.

Goolka kale waxaa dhaliyay No-10 isla kooxdaas Qadar Cabaas Siidii, waxayna intaas ahaayeen goolasha kooxda Batroolka, dhanka kale Elman waxaa goolka u dhaliyay  Anwar Siid Cali  Shakuunda oo No-10 u qaata.

Kulanka ayaana sidaas ugu soo dhammaaday 4-1 oo ay ku badisay kooxda Batroolka.

Waqtiga dheeriga ah ee ciyaarta Waxaa roose loo taagay Cabduqaadir Shariif Muqtaar Niije oo ka tirsan kooxda Elman, kaasoo Suxul ku dhuftay laacib ka tirsan xiddigaha Batroolka.

Marki goolka 3-aad laga dhaliyay Elman ayey mar qura taageerayaasheedu ku Dhawaaqayeen Erayo ka dhan ah macallin Cabdi Joon, oo ay ka mid ahaayeen “Shaqada halaga Eryo Cabdi Joon iyo Dooni Meyno”

Batroolka ayaa hadda iska leh 6 dhibcood, waxayna la simantahay kooxda ay maanta ka badisay, iyadoo sidoo kale kaalinta 6-aad ka fariisatay kala Sarreynta horyaalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.