Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Guardiola: ” Taageerayaasha waxaa ay ku dabaal degayaan kulanka Man United”

Guardiola: ” Taageerayaasha waxaa ay ku dabaal degayaan kulanka Man United”

Tababaraha Kooxda Kubadda Cagta ee Man City  Pep Guardiola ayaa sheegay in taageerayaasha kooxdiisa ay doonayaan in koobkaas Premier League ay ku guuleystaan kulanka ay la ciyaari doonaan Man United.

Pep ayaa sheegay in kulanka Manchester Derby uu yahay midka ay ku dabaal degi doonaan ku guuleysiga Koobkaasi maaddaama hadda ay horreyso 16 dhibcood.

Labada Machester ayaa kulmi doona 7-da Bisha April ee soo socota waxaana ay Man City u baahan tahay in ay kulankaas iyo midka ka soo horreeyo guuleysato si ay ugu dabaaldegto koobkaas.

Kooxda Man City ayaa xilli ciyaareedkan wacdaro ka dhigtay horyaalka England iyada oo kaliya laga badiyay hal kulan,2 kulanna bar barro gashay inta kalena guul gaartay.

Horyaalka England ayaa dhamaanaya Bisha May ee soo socota waxaana ay Man City dabaal degi doontaa bil ka hor xilliga dhamaanshaha Ciyaaraha Premier League.

Leave a Reply

Your email address will not be published.