Home - CIYAARAHA SOMALIDA - Heegan oo Guul ka gaartay Gadiidka, kuna dhowaatay hoggaanka horyaalka

Heegan oo Guul ka gaartay Gadiidka, kuna dhowaatay hoggaanka horyaalka

Kooxda Heegan ee Ciidanka Booliska ayaa waxay Guul muhiim ah ka gaartay naadiga dhiggeeda ah ee Gaadiidka, kulan ka tirsanaa horyaalka kubadda cagta ee Somalia Premier league.

Heegan ayaa hadda waxay 2 dhibcood u jirsatay kooxaha horyaalka hoggaaminaya ee Horseed iyo Dekadda oo min 13 dhibcood iska leh, waxayna soo fariisatay 11 dhibcood.

Gadiidka oo Guuldarreysatay weli ma aysan Adkaan ciyaar horyaalka ah Sanadkan, waxaana isugu xigsaday kooxo waaweyn Sanadkan, marka la fiiriyo kulamadii 5-ta ahaay ee ay soo ciyaartay.

Goolasha Heegan waxaa u kala dhaliyay xiddigaha Cabdiyow, Mahad Cali Beerey iyadoo qeybta Labaad heshay Goolashaas, halka goolka looga horreeyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.