Home - CIYAARAHA SOMALIDA - Horseed iyo Heegan oo isku Garab dhacay, 2 Roose waa la qaatay, Rigoorana waa la Khasaariyay!!

Horseed iyo Heegan oo isku Garab dhacay, 2 Roose waa la qaatay, Rigoorana waa la Khasaariyay!!

Kulan xiiso badan oo goordhow soo Gebageboobay ayaa dhexmaray kooxaha Kala ah Heegan iyo Horseed, waxaana ciyaartaas lagu kala baxay Natiijo Garab dhac ah.

Ciyaarta Xiisaha leh ee labada naadi Horseed ayaa gacanta sare laga filayay maaddama ay beegsanayeen in ay soo qabtaan kooxda hoggaanka ku kali noqotay ee Dekadda, balse ma suuragelin.

CIyaartii ay maanta la qaadatay naadiga Ciidanka Booliska waxaa ay ku dhammaatay iyadoo kooxahaas aysan wax gool ah kala dhalin.

Waxaa xusid Mudan in labada Naadi ay kulankaas Xiddigo ka kala tirsan uu Garsoorku min Roose u taagay oo laba laacib ayaa garoonka laga saaray.

Horseed ayaa iska lumisay Fursad Guul ah, markii uu Rigoore loo dhigay Shabaqa dul mariyay Xasan Cabdinuur Geesey Xasaasi, laacibkii hore ee kooxda Jeenyo.

Kooxda Booliska ee Heegan ayaa sida guul oo kale ugu dabbaal degtay Garab dhacaas, halka Macallin Cumar Caruus oo hoggaamiya Horseed uu natiijada aad uga xumaaday.

Warar dheeri ah nagala soco.

Leave a Reply

Your email address will not be published.