Wararkii U Dambeeyay
Home - CIYAARAHA SOMALIDA - Horseed oo isbeddel aan weyneyn ka sameysay hoggaanka horyaalka dalka

Horseed oo isbeddel aan weyneyn ka sameysay hoggaanka horyaalka dalka

Kooxda Horseed ayaa garabdhac 1-1 ah la dhaafi weysay naadiga Madbacadda Qaranka, kulankii ka dhacay Garoonka Koonis e Degmada Cabdicasiis, kaasoo ay labada kooxood kusoo bandhigeen ciyaar Weerar ilaa difaaceedu isu dheelli tiranyahay.

Horseed hadda waxay hoggaanka horyaalka usoo jirsatay 5 dhibcood, iyadoo taasi ay u muuqato in ay lumisay fursad weyn oo ay kaalinta koobaad ugu soo dhowaan laheyd.

Dekadda oo kaalinta 1-aad joogta hadda waxay leedahay 27 dhibcood, halka Horseed oo kaalinta 2-aad joogtana ay heysato 22 dhibcood.

Horseed ayaa dhibac kaliya ka sarreysa kooxda kaalinta 3-aad ee Banaadir SC, halka ay laba dhibcoodna u jirto kooxda Kaalinta 4-aad ee Heegan, taasoo la macno ah haddii 1 kulan la garaaco in ay u dhici karto Kaalinta 4-aad ee horyaalka dalka.