Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Horudhac: Kulanka Juventus vsTottenham, Champions league wareegga 16-ka yeysan Sheeko ku dhaafin

Horudhac: Kulanka Juventus vsTottenham, Champions league wareegga 16-ka yeysan Sheeko ku dhaafin

Kulan ka mid ah kuwa ugu xiisaha badan ee koobka Kooxaha Yurub ayaa caawa ka dhici doona Garoonka Magaalada Turin ku yaalla ee Juventus Arena.

Ciyaartaas waxay kooxda Juve kusoo dhoweyn doontaa naadiga dalka England ka socota ee Tottenham, waxayna labada kooxood wada qaadan doonaan mid ka mid ah ciyaaraha xiisaha badan.

SHEEKADA KULANKA

Kulanka: Juventus vsTottenham

Garoonka: Juventus Stadium – Turin

Tartanka: Champions league Wareega 16-ka , Lugta hore

Labada kooxood ayaa ku kulmaya markii u horreysay Tartan kooxeed ka tirsan koobabka UEFA Taariikhda.

Juve lagama badin 26 kulan oo ay Gurigeeda ku ciyaartay Tartamada Europe weliba waxay badisay (16 ka mid ah Kulamadaas)

Spurs Loogama adkaan Guruubka ciyaarihii ay dheeshay (5guulood iyo 1 Garab dhac)

Spurs Rikoodhka ay ka heysato Italy 8-da kulan ee ay tagtay: Waxay badisay 1 mar Garab dhac 3 Khasaarahana 4.

Lugta labaad waxaa lagu ciyaari doonaa garoonka Wembley marka ay 7-da tahay bisha soo socota ee March.

CIYAARAHOODII U DAMBEEYAY NATIIJOOYINKA AY KA KEENEEN

Juventus: 6 Guulood

Tottenham: 3 Guulood iyo 3 Garab dhac.

Safafka Labada Naadi ee Kulankan

Safka Juventus: Buffon; De Sciglio, Benatia, Chiellini, Alex Sandro; Khedira, Pjanić, Sturaro; Douglas Costa, Higuaín, Mandžukić

Maqan: Cuadrado (groin), Matuidi (thigh), Höwedes (thigh), Dybala (thigh), Barzagli (calf), Lichtsteiner (thigh)

Kulanka xiga Maqnaan doona hadduu Jaalle qaato: Pjanić

Safka Tottenham: Lloris; Trippier, Sánchez, Vertonghen; Son, Dembélé, Dier, Davies; Eriksen, Alli; Kane

Maqan: Alderweireld (fitness)

Kulanka dambe seegaya haddii jaalle la siiyo: Aurier

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.