Home - CIYAARAHA CAALAMKA - HORUDHAC: Man United v Sevilla, sheeko walba oo kulanka ku saabsan halkan ka Aqriso

HORUDHAC: Man United v Sevilla, sheeko walba oo kulanka ku saabsan halkan ka Aqriso

Kooxda Man Utd ayaa marti qaadi doonta naadiga Sevilla ee dalka Spain, ciyaar xiiso leh oo lugta 2-aad ee Wareegga 16-ka Champions league ah.

Ciyaartii hore ee labada naadi waxay kusoo kala Baxeen 0-0, waxaana sidaas dank u qabta mid walba oo ka mid ah Labada naadi, waayo middii Guuleysata ayaa soo bixi doonta.

Sidoo kale Garab dhac walba oo Goolal leh ayaa soo saari kara kooxda Sevilla, maaddaama ay ku guuleysteen in ay markii dalkooda la joogay iska ilaaliyaan in wax goolal ah laga dhaliyo.

Warar kooban oo xiiso leh.

Carrick wuxuu ka fariisan soonaa Ciyaaraha Dhammaadka Sanadkan

Pogba, Ibrahimović, Martial ayaa dhammaantood ku jira soo Kabasho

United kulamada ay kooxaha reer Spain gurigeeda kula ciyaartay: Guulo 9 Garabdhac 10 Khasaare 4.

Wareegga 8-da ama Quarter-final waxaa la isku aaddin doonaa kooxaha Jimcaha Nasoo Aaddan.

Taariikh kooban

Sevilla waxay eeganeysaa in ay gaarto wareegga 8-da European Cup markii u horreysay muddo 60-sano keddib ah.

SAFAFKA LABADA KOOXOOD

Safka Man United: De Gea; Valencia, Bailly, Smalling, Young; McTominay, Matić; Mata, Sánchez, Rashford; Lukaku

Maqan: Rojo (unspecified), Jones (unspecified), Blind (ankle), Herrera (hamstring)

Soo Kabasho: Pogba (thigh), Ibrahimović (knee)

Hadduu Jaalle Qaato seegaya kulanka xiga: Lingard

Safka Sevilla: Rico; Escudero, Mercado, Lenglet, Arana; N’Zonzi, Banega; Sarabia, Vázquez, Correa; Muriel

Maqan: Navas (muscular), Corchia (groin)

Soo kabasho: Carriço (thigh)

Kulanka dambe seegaya haddii jaalle la siiyo: Banega, Escudero, Mercado

CIYAARIHII U DAMBEEYAY NATIIJOOYINKA AY KA KEENEEN

Man United: 4 guulood, 1 Khasaare iyo 1 Garab dhac

Sevilla: 3 guul, 2 khasaare iyo 1 Garab dhac

José Mourinho, Man. United Macallinkeeda

Maanta waxay noqon doontaa ciyaar aad u xoog badan. Waxaan la ciyaareynaa koox aan Khasaare kala kulmin Liverpool 2da guriba, waxay goolal ka dhaliyeen Liverpool, wey ku garab dhaceen Liverpool – waxaanna ognahay xiddigaha fiican ee ay heystaan Reds, waxaa la yiraahdaa Sevilla waxay ahaayeen markii horeba koox adag. Ma sheegi karo haddii Paul Pogba uu diyaar yahay iyo haddii kale15 daqiiqo ayaan rajeynayaa in ay ogaan doonaan ciyaarta.

Vincenzo Montella, Sevilla Tababaraheeda

Waxaan u safreynaa koox ay adagtahay in gurigooda looga soo guul helo. Kuma fakari doonno, inta xawaare ee ay ciyaartoydu jari karaan, waxaan ku dadaali doonnaa in aan Natiijo wanaagsan keenno.

Leave a Reply

Your email address will not be published.