Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Iniesta oo ku soo laabtay tababarka Barcelona

Iniesta oo ku soo laabtay tababarka Barcelona

Kabtanka Kooxda Barcelona ee Iniesta ayaa ku soo laabtay tababarka kooxdaasi kaddib markii uu ku dhaawacmay kulankii ay 1-0 uga badiyeen Kooxda Atletico Madrid.

Xiddiggan nayaa shaki la geliyay kulanka Kooxda Kubadda Cagta ee Barcelona ay arbacada ku qaabili doonto kooxda Chelsea ee dalka Ingiriiska.

Xiddigga Iniesta ayaa seegay kulankii ay kooxdiisa 2-0 uga soo adkaatay Kooxda Malaga,iyada oo hadda isu diyaarineysa soo dhaweynta Kooxda Chelsea.

Barcelona iyo Chelsea ayaa ciyaari doona lugta 2aad ee wareegga 16ka iyada oo lugtii 1aad ay ku soo dhamaatay 1-1,waxaana la filayaa in Ineista uu ka mid noqdo xiddigaha arbacada ku matali doona kulanka Chelsea.

Leave a Reply

Your email address will not be published.