Wararkii U Dambeeyay
Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Iniesta oo sheegay in uu go’aan ka gaaray mustaqbalkiisa

Iniesta oo sheegay in uu go’aan ka gaaray mustaqbalkiisa

Kabtanka Kooxda Kubadda Cagta ee Barcelona Andres Iniesta ayaa sheegay in uu go’aan ka gaaray mustaqbalkiisa Barcelona iyo uu ka tagayo iyo in kalena ay hadda u kala cadday.

Xiddiggan oo heshiis  noloshiisa ah kula jira Kooxda Barcelona ayaa waxaa la filayaa in uu mustaqbalkiisa Barcelona shaaciyo 30ka Bishan April.

33 jirka ayaa sheegay in ay u badan tahay in uu aado dalka China halkaas oo uu mustaqbalkiisa ku soo gaba gabeyn karo,waxaana dhawaan laga soo xigtay isaga oo leh dhawaaqa taageerayaasha waxba kama beddelayo go’aankeyga.

“Wax badan ayey i daawanayeen taageerayaasha,waan taageersanahay,waxaanse rajeynayaa in aysan go’aankeyga beddelin,waxaan ogahay go’aankeyga 30-ka April”.

Iniesta noloshiisa Kubadda Cagta waxaa uu ku bixiyay Barcelona,waxaa uu u dhaliyay 56 goool,waxaa uu caawiyay 141gool,waxaana uu Barcelona metalay oo u saftay 669  kulan.