Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Inter Milan oo soo Afjartay 10 kulan oo Guul la’aan ay aheyd

Inter Milan oo soo Afjartay 10 kulan oo Guul la’aan ay aheyd

Inter Milan ayaa soo geba-gebeysay 10-kulan oo aysan guuleysan ka gadaal markii ay garaaceen kooxda Bologna kulan ka tirsan horyaalka Serie A.

Inter waxay ahayd koox aan laga badin, sidoo kalena horyaalka hoggaamineysa 0-0 garab dhac ah intii aysan la gelin kooxda Juventus bishii 9 December – waana waqtigii foolxumada ciyaaraheedu ay soo billowdeen.

Eder ayaa hoggaanka u dhiibay kooxdiisa kualnkii Bologna, balse Rodrigo Palacio ayaa kasoo barbarreeyay goolka kooxdiisii hore.

Wiilka da’da yar ee Yann Karamoh ayaa dhaliyay goolka guusha ee kooxda Inter isagoo ka toogtay 25 Yaardi meel goosha u jirta, ka hor inta aan Bologna xiddigaheeda Ibrahima Mbaye iyo Adam Masina rooseyaal ciyaarta looga saarin.

Inter ayaa usoo dhaqaaqday kaalinta 3aad, balse 15 dhibcood ayey ka hooseeyaan hoggaamiyeyaasha Napoli.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*