Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Jamie Carragher oo sheegay inuusan ku qaldaneyn in Arsenal loogu Yeero Fulaynimo!!

Jamie Carragher oo sheegay inuusan ku qaldaneyn in Arsenal loogu Yeero Fulaynimo!!

Jamie Carragher ayaa sheegay in uu kusii Adkeysanayo Go’aankii uu Arsenal ugu yeeray “Fulayaal” – wuxuuna intaas raaciyay in Sanadkan ay Ceeb kale la kulmi doonaan.

Arsenal ayaa hadda 4ta sare u jirta 7 dhibcood iyadoo ku jabtay kulankii London derby ee Sabtigii ay la qaateen Tottenham.

Harry Kane ayaa dhaliyay goolka kulankaas, balse waxay aheyd ciyaar xiiso badan, iyadoo Arsenal aysan isku deyin in ay soo jarto goolka ee iyada lasii weerarayay sida uu sheegayo Carragher.

Carragher ayaa si xooggan ugu yeeray Arsenal in ay sameyn doonaan wax la mid ah wixii Sanadkii hore, isla maraana ay ku fashilmayaan usoo Gudubka Champions League.

Liverpool halyeeygeedii ayaa sheegaya in hadda ay tahay waqti wax walba ay dhici karaan, balse Filashada laga qabo Arsenal oo soo kabata waa mid aad u hooseysa sida uu rumeysanyahay Falanqeeyahaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*