Home - CIYAARAHA SOMALIDA - Jeenyo iyo Dekadda oo galabta ku dagaallamaya horyaalka SPL.

Jeenyo iyo Dekadda oo galabta ku dagaallamaya horyaalka SPL.

Kooxaha heerka 1aad ee Kubadda Cagta Soomaaliya ee LL PP Jeenyo iyo Kooxda Dekadda oo horyaalka difaacaneysa ayaa galabta ku kulmaya Garoonka Banaadir Stadium ee Magaalada Muqdisho.

Labada kooxood ayaa midkasta todobaadkii hore guul dirqi ah soo gaartay iyaga oo min 1-0 ku soo kala badiyay.

Kooxda Dekadda ayaa natiijo guul oo dirqi ah kaga adkaatay Naadiga Elman,kulan ay guul ku gaartay 1-0,halka LL PP Jeenyo  ay guul taas la mid ah kaga badisay Naadiga Gaadiidka.

Dekadda waxaa ay dooneysaa in ay horyaalka kala wareegto kooxda Horseed oo farqiga goolasha uga heysa,halka Jeenyo ay dooneyso in hoggaanka horyaalka ay ku qabato 8 dhibcood maaddaama hadda ay leedajay shan dhibcood Horseed iyo Dekaddana wadaagaan min 7 dhibcood.

Horyaalka Somaliya ayaa sanadkan wata magac cusub iyo kooxo cusub,waxaana loo bixiyay Somali Premier League,iyada oo sanadkan lagu arkayo Kooxo ku ciyaaraya Magacyada Batroolka iyo Madbacadda Qaranka.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*