Wararkii U Dambeeyay
Home - CIYAARAHA SOMALIDA - JEENYO oo dhulka ku jiidday kooxda Batroolka

JEENYO oo dhulka ku jiidday kooxda Batroolka

Kooxda Jeenyo ee kubadda cagta ayaa waxay si xooggan u garaacday naadiga Batroolka, ciyaar ka tirsan horyaalka Somalia Premier league.

Kulankii labada kooxood wuxuu kusoo idlaaday 6-0, waxaana Cabdulqadir Niinje oo dib ugu laabtay kooxdiisii hore uu ka dhaliyay ciyaarta 2 gool, halka Hoomeey, Shakuur Aala, Xamsa iyo Cali ay iyaguna min Gool ka dhaliyeen ciyaartaas.

Jeenyo ayaa hadda waxay ka mid tahay kooxaha dib usoo kabashada sameynaya, ka gadaal markii ay kulamadii hore ee horyaalka aheyd mid ku billaabatay weji aan wanaagsaneyn.

Waxaa natiijo wanaagsan kooxda kula soo laabtay laacibka Niinje oo dhowaan uun ku biiray Naadiga Elman, taasoo iyada qudheedu aan sanadkan bandhiggii looga bartay ka sameyn horyaalka dalka.