Home - CIYAARAHA SOMALIDA - Jeenyo oo Guul Muhiim ah ka gaartay Heegan una dhowaatay Hoggaanka Horyaalka

Jeenyo oo Guul Muhiim ah ka gaartay Heegan una dhowaatay Hoggaanka Horyaalka

Kooxda Jeenyo ayaa guul muhiim ah ka gaartay naadiga Heegan, iyadoo ciyaartii ka dhacday garoonka Koonis ee Galbta ay waqti dambe goolka guusha dhalisay Jeenyo.

Ciyaarta ayey labada kooxood bandhig siman ku lahaayeen, in kastoo ay kooxda Heegan oo ka ciyaartoy Wanaagsan Jeenyo ay ku jabtay kulankaas, markii 88 daqiiqo laga dhaliyay Goolka Guusha ee ciyaartaas.

Jenyo ayaa 1-0 ku dirtay Naadiga Heegan, waxaana kulankaas oo ka dhacay Koonis uu sababay in Heegan ay ku guuldarreysatay in ay 14 dhibcood gaarto oo hoggaanka ay kula biirto Horseed iyo Dekadda.

Dhanka Jeenyo Natiijadaan waxay uga dhigantahay in ay kaalinta 5-aad kasoo Fariisatay horyaalka, waxayna leedahay 8 dhibcood hoggaanka ayaana u jira 6 dhibcood.

Heegan hadda waxay joogtaa kaalinta 3-aad iyadoo leh 11 dhibcood waxayna Seddax a sarreysaa Jeenyo oo Maanta ka badisay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.