Home - CIYAARAHA SOMALIDA - Jeenyo oo guuldarro Lama filaan ah kala kulantay naadiga Waxool

Jeenyo oo guuldarro Lama filaan ah kala kulantay naadiga Waxool

Kulan xiiso badan oo ay galabta ku yeesheen Garoonka Koonis ee Degmada Cabdicasiis, Jeenyo waxay ku lumisay dhibco ay kusoo Qaban laheyd kooxda Heegan, sidoo kalena ay uga sare mari laheyd naadiga Banaadir SC.

Jeenyo ayaa ciyaartii ay la qaadatay naadiga Waxool, waxaa looga badiyay 1-0, waxayna isku dayada dhankooda xataa ciyaar aad u adag kala kulmeen Waxool.

Qeybihii dambe ee ciyaarta Waxool ayaa lumisay ilaa 3 Fursadood oo Goolahayaha Jeenyo iyo Weeraryahannada Waxool ay kubadda isla horjoogsadeen.

Natiijadaas uma aysan wanaagsaneyn kooxda Jeenyo in kastoo ay koodu Sanadkan horraantiisii la kulantay wax Burbur u muuqda, markii ay lumisay xiddigihii kooxda ugu Muhiimsanaa oo dhaqaale darro Awgeed uga kala tegay.

Naadigaan ayaan hadda helin ciyaartoydii beddeli lahaa xiddigaha kooxda ka dhaqaaqay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.