Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Juventus oo £222m ku dooneysa Kane

Juventus oo £222m ku dooneysa Kane

Kooxda Kubadda Cagta Dalka Talyaaniga ee Juventus ayaa soo gashay hardanka dhinaca suuqa ah ee loogu jiro weeraryahanka England Harry Kane.

Juventus waxaa ay xaqiijisay in Xiddiggan uu muhiim u yahay weerarkeeda una baahantahay heshiis rasmi ah oo ay kala gaarto Kooxda Tottenham ee uu u ciyaaro.

Harry Kane ayaa dhaliyay goolkii guusha ee Kooxdiisa ay ka gaartay Arsenal Todobaadkan,waxaana loo caleema saaray boqorka waqooyiga London.

Juventus waxaa ay lacagtaas ku jebineysaa Kooxda Real Madrid oo sheegtay in xiddiggan ay ku dooneyso £200 milyan,iyada oo mar horeba dalab ka gudbisay.

Marwada duqda ah ee Juventus waxaa ay dooneysaa weeryahan ay ku lamaaniso xiddigga reer Argentine ee Paulo Dybala,kaas oo hadda ka dhexmuuqda Kooxdiisa Juventus.

Juve waxaa ay culeys ku heysaa Kooxda Napoli oo ay ku loolamayaan Horyaalka Serie A-da Italy iyada oo kaliya hal dhibic looga hayo,waxaana ay diiddan tahay in sanadkan uu seego horyaalkii 7aad oo xiriir ah maaddaama lixdii sano ee la soo dhaafay Juventus ahayd boqoradda Serie A-da Italy.

Leave a Reply

Your email address will not be published.